IT Consultant & Author

Publication

Buugga Hogaanaka Wanaagsan 

Hordhac 

Taariikhdu waa ma guurto, oo qofkasta oo maamul ka soo qabta xilka dowladda ama gacan ka geysta dhismaha qaranka dowladnimo, waxaa waajib ah in lagu xuso diiwaanka dhacdooyinka taariikhiga ah, sidaas darteed waxaan ku faraxsanahay in aan ku xusayno buuggan Ra.iisul Wasaarihii hore ee Dowladda Federaalka Kumeel-gaarka ee Soomaaliya Dr. Abdiweli Mohamed Ali Gaas.

Buuggaan waxaa loogu magac daray Hoggaanka Wanaagsan ee Dr. Abdiweli, oo looga hadlayo taariikh nololeedkiisii, wax qabadkiisii, howl karnimadiisii dul-qaadkiissii, gaar ahaan xilliggii uu ahaa Ra’iisul Wasaaraha dowladda. Waxaan wada ogsoon nahay in hoggaamiye kasta oo xil ka soo qabta dalkiisa, uu shacabkiisa uga tago labo arrimood.

Midda kowaad, waa Hoggaan Wanaagsan, oo raad ku reebta maskaxda dadkiisa, iyo bulshada caalamka, oo uu ku yeesho magac wanaagsan, ammaan, maamus, iyo qaddarin, iyo in uu taariikhda ka galayo baal dahabah. (Waari mayside war hakaa haro).

Middka Labaad, waa Hoggaan Xun, oo ku reeba maskaxda dadkiisa murugo, ciil, qoo-mamo, taas oo ay had iyo jeer soo xusuustaan maamul xumadiisii, dhibaatadiisii iyo halaagii uu u geystay shacabkiisa, xataa haddii uu ka tago adduunyda waa mid ay taariikhdu xusuusato.

Arragtida guud iyo tan gaar ahaaneed ee Hoggaanka Wanaagsan ee Dr. Abdiweli Mohamed Ali Gaas, waa hoggaamiye shaqsiyad wanaagsan leh, dul-lqaad leh, fahmo iyo fiiro dheer leh, daacad iyo Kalsooni leh, shacabkana ujeheeya tubta toosan, waana hoggaamiye u jan-jeera shacabkiisa, ahna mid suurto-gal ah, lehna awood wax ka dhaa-dhicin ah, ku wanaagsan fulinta qorshaha xukuumaddiisa, waana hoggaamiye shaqo, waana hoggaamiyehorrumar leh,waana hoggaamiye diyaar u ah Hoggaanka Wanaagsan ee dalkiisa, dadkiisa iyo diintiisaba.

Buuggaan wuxuu ku saab-san yahay taariikh nololeedkii Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Abdiweli Mohamed Ali Gaas, gaar ahaan waxqabadkiisii muddadii uu Ra’iisul Wasaaraha ka ahaa dalka Soomaaliya. Waxaan la soconaa in ay Soomaaliya soo martay dhibaatooyin aad u fara badan, laga bilaabo tan iyo bur-burkii dowladda dhexe ee Soomaaliya, taas oo ay la kulmeen dagaalo joogto ah iyo abaaro aad u xun oo ay ku dhinteen Kuman-naan Soomaali ah, qaar kalena ay ku waayen xoolahoodii iyo hantidoodii.

Midda kale buuggaan wuxuu xanbaarsan yahay, oo lagu soo bandhigayaa taariikh nololeedkii Ra’iisul Wasaarihii hore Dr. Abdiweli Mohamed Ali Gaas iyo heerarkii uu soo maray intii uu Ra’iisul Wasaare ka ahaa dalka Soomaaliya iyo koritaanka noloshiisa. Buuggan loogu magac daray Hoggaanka Wanaagsan ee Dr. Abdiweli Mohamed Ali Gaas, wuxuuna ka kooban yahay Toddobo Qaybood ama Toddobo Cutub, qayb walbana waxay ka hadlaysaa magaca cinwaanka uu xan-baarsan yahay, waana sida hoos ku qoran:

Ugu danbeyntii waxaan si kooban ugu lifaaqayaa taariikh nololeedkii Dr. Abdiweli Mohamed Ali Gaas (Brief Chronology of his history), Ra’iisul Wasaarayaashii iyo Madaxweynayaashii dalka Soomaaliya iyo sawiro muuqaal ah oo ku saabsan dhacdooyinkii taariikhiga ahaa ee Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladda Federaalka Dr. Abdiweli Mohamed Ali Gaas.

Marka waxaad buuggaan ka dalban kartaa, waxaad nagala soo xiriiri kartaa, e-mail na noogu soo diri kartaan, adiga oo aad Gujisid ama riixdid meesha ku qoran “Contact Us”, ka dibna waan kula soo xiriiri doonaa (Insha Allah). Cinwaanka Buugga waa “Hoggaanka Wanaagsan” means “Good Leadership“. Buugga wuxuu soo baxay Sep 13 2013, marka waxaad ka dalban kartaa bogga Internetka. Waxaanu kuu soo diraynaa e-mail, si aanu kuula soo socodsiiyo dalabkaaga meesha uu marayo.
ISBN: 97890821070

English

My New Book is out: The Good Leadership of Dr. Abdiweli Mohamed Ali Gaas. The Former Prime Minister of Transitional Goverment in Somalia. Understanding this new future is key to our collective destiny, whether in Somalia or Puntland to focus his devising long-term solutions to some of the Somalia’s most significant Problems. This book you will find more details about his leadership, please go and read and let me know what you think. See below short brief about his life, Opportunities, Challenges and wonderful achievements. A lot of supports from Somali community & international community are very proud and trust his achievements as a Prime minister. This book is Current Somali Language, but in the future we are expecting to translate into in English or other languages.The title of the Book is : Hoggaanka Wanaagsan, means (Good Leadership).

Hoggaanka Wanaagsan – Good Leadership Dr. Abdiweli Mohamed Ali Gaas

The book launched in Sep 13 2013, and you can order online. We will e-mail you to keep you up to date with your orders.
ISBN: 97890821070


|Home|Online Training|Services|Project|Publication|Blog|Contact Us |